Himilo- Shacabka Mareykanka ayaa safaf dhaadheer ugu jira inay codkooda ka dhiibtaan doorashada madaxweynaha dalkaa, xilli uu hardan weyn u dhaxeeyo xisbiyada dimoquraadiga iyo Jamhuuriga musharixiintooda.
Kamala Harris iyo Donald Trump ayaa xoogga saaray gobollada muhiimka ah ee go’aamin kara guusha, halkaas oo cod kasta uu muhiim yahay.
Iyadoo Maalinta Doorashada lagu jiro, waxaan si dhow u eegaynaa waxa la filan karo iyo sida ay natiijooyinka u soo bixi karaan.
Doorashada waxay dhaceysaa maanta oo Talaado ah, Nofeembar 5, 2024.
Inta badan gobollada, goobaha cod-bixinta waxay furmeyn 7 subaxnimo ilaa 9 subaxnimo waqtiga deegaanka. Marka loo eego kala duwanaanshaha saacadaha gobollada Mareykanka.
Saacado yar kaddib marka goobaha ugu horreeya ay xirmaan 7-da fiidnimo waqtiga saacada GMT-ga ay tahay (00:00 GMT), waxaa lafilayaa inay bilaabato soo bixitaanka natiijooyinka. Si kastaba ha ahaatee, gobollada galbeedka ayaa lafilayaa inay ka soo baxaan natiijooyinka ugu horeeye maadaama ay saacada ku horeeyaan.
Haddii loolanka uu adkaado oo tirinta codadku isku dhawaadaan, tirinta codadka waxay sii socon kartaa habeenka doorashada ka dib, waxaana suuragal ah inaan natiijada kama dambaysta ah la ogaanin dhowr maalin.