Home / Caafimaad / Goorma ayay habboon tahay in la bilaabo nadaafadda ilkaha carruurta?

Goorma ayay habboon tahay in la bilaabo nadaafadda ilkaha carruurta?

Himilo – Johanna Cante oo ah khabiir caafimaad ayaa ku boorisay waalidiinta inay ku dadaalaan nadaafadda ilkaha carruurtooda durba markay u soo baxaan iyaga oo adeegsanaya qalabka habboon.

Ms Johanna oo ah madaxa midowga dhaqaatiirta Ilkaha ee Jarmalka ayaa sheegtay in carruurta qudhooda awoodaan nadaafadda ilkahooda marka ay bartaan qoraalka oo ay heli karaan xirfad wanaagsan.

Waxay intaa raacisay inay habboon tahay in waalidka nadiifiyaan ilkaha carruurtooda illaa da’da 7 ama 8-da sanno iyaga oo isticmaalaya buraashka ilkaha muddo labo daqiiqo ah sida ay qortay wakaalada wararka Jarmalka.

Johanna oo khibrad u leh caafimaadka ilkaha ayaa soo jeedisay in carruurta laga ilaaliyo cabitaanka macaanka badan iyo inay koobab keliya ku cabbaan laga bilaabo bisha 8aad ee dhalashadooda si looga fogaado suuska ilkaha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan