Himilo FM –Daraasad ay sameysay jaamacadda South Australia ayaa muujisay cabista 6 koob oo qaxwo ah maalin kasta inay kordhinayso khatarta cudurrada wadno xannuunka 22%.
Baarayaasha ayaa dood ka yeeshay khatarta isticmaalka badan ee kafayga kaddib markii uu koror ku yimid xaaladaha dhimasho ee lala xiriiriyo cabista qaxwada.
Baaritaanka oo loo cuskaday xogta bankiga UK Biobank ayaa waxaa ka qeyb galay ku dhawaad 347077 qofood oo da’dooda u dhaxayso 37 illaa 73 jir. Waxaa la baarayay sida dadka ugu kala duwan yihiin saameynta qaxwada.
Daraasadda ayaa lagu ogaaday in markasta qaxwada leedahay saameyn aan wanaagsaneyn xataa marka uu gene-ka CYP1A2 ee qaabilsan uu si wanaagsan u shaqeynayo.
Sannadkii 2014, Chris Laboz oo ku taqasusay cudurrada wadnaha ayaa daabacay maqaal uu kaga hadlay khatarta qaxwada isaga oo xusay inay sababi karto wadno xannuun 50%
Iyadoo sidaasi tahay, khubaro badan ayaa aaminsan in qaxwada xambaarsan tahay faa’iidooyin dhowr ah iyadoo xoojisa neerfaha.