Home / Cayaaro / Goorma ayay u dhaqaaqi doontaa Man United saxiixa Jadon Sanch

Goorma ayay u dhaqaaqi doontaa Man United saxiixa Jadon Sanch

Himilo –Manchester United ayaan qorsheyneynin inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho.

Iyada oo Alexis Sanchez uu qarka u saaran yahay inuu Romelu Lukaku kula midoobo kooxda Inter Milan, Tababaraha United Ole Gunnar Solskjaer ayaa haatan heysta xulashooyin yar.

Iyadoo aan loo eegin sida ay u shaqeeyaan inta lagu guda jiro qeybtii hore ee ololaha, waxaa suuragal ah in la helo xiddigo beddel ah  billowga 2020.

Si kastaba, sida laga soo xigtay London Evening Standard, Solskjaer ma isku deyi doono inuu keeno ciyaartoy heer sarre ah bartamaha xilli ciyaareedka.

United ayaa muddo dheer xiiseyneysay Sancho, kaasoo waqti badan la soo qaatay Manchester City isaga oo ka soo baxay da’yarteeda, laakiin waxay u muuqataa inaysan dalab rasmi ah la sameyn doonin ilaa xagaaga soo aadan.

United ayaa haatan ku jirta kaalinta shanaad ee kala sarreynta Premier League.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan