Home / Cayaaro / Goorma ayuu bilaabanayaa Euro 2024?

Goorma ayuu bilaabanayaa Euro 2024?

Himilo – Habiinka Jimcada ee sabtiga uu soo galayo saacadu marka ay tahay 10:00pm saacada bariga Africa- waxaa si rasmi ah magaalada Munich ee dalka Germany si rasmi ah uga bilaabaya kulanka ugu reeye ee xulalka Euro-2024.

Kulalkaa waxa uu u dhaxeeyaa marti galiyaasha horyaalka iyo xulka qaranka Scotland. Waxa uu noqonayaa kulkanka ugu horeeye ee koobka iyo kulanka ugu horeeya ee labo kulan oo isla habiinkaa laciyaarayo. Labada xul waxa ay ku wada jiraan guruubka koobaad waxaana ku wehliya xulalka Switzerland iyo Hungry.

Macalinka xulka Germany Julian Nagelsmann waxa uu yiri ‘Waxaan heysanaa ciyaartoy badan oo tayo leh, waxaan leenahay koox cajiib ah. Niyadda kooxda ayaa runtii fiican. Laakiin dhamaadka, haddii aadan aaminsanayn naftaada, wax walba waxay noqon karaan kuwo aad u adag. Waxaan wadankeena ku leenahay taageerayaal badan oo naga dambeeya’

Tartankan waxa uu ka kooban yahay lix guruub, guruubkastana waxaa ku jira afar koox, labo iyo toban xul ayaa la doonayaa inay u soo gudbaan wareega xigga.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan