Himilo FM –Daraasadaha ayaa inta badan tilmaama in hurdo yarida saameyn xun ku leedahay qofka, waxqabadkiisa iyo muuqaalkiisa guud maalintii oo dhan.
Hurdo xun oo aad qaadato habeenkii waxaa laga yaabaa inay beddasho midabka maqaarka iyo indhaha iyadoo suuragal yihiin saameyno kale.
Khubaro badan ayaa oggaaday in hurdada wanaagsan leedahay saameyn toggan oo ay ku reebayso qofka.
Haddii aad dooneyso inaad u muuqato si wanaagsan, waxaad heysataa wakhti habboon oo aad tagi karto firaashka si aad u hesho hurdo kugu filan.
Baaritaaan ay sameysay Sealy ayaa muujiyay in celceliska hurdada qofka looga baahan yahay inay noqoto 9 illaa 10 saacad habeenkii taasi waxay ka dhigaysaa qofka mid muuqaal wanaagsan.
Dhaxalka hurdo kugu filan waa in muuqaalkaaga noqdaa mid ifaya islamarkaana ah sida ugu wanaagsan.
Wakhtiga ugu habboon oo ay tahay in qofka uu tago jiifka ayaa ah 9:45 habeenimo sida laga soo xigtay daraasadda.
Nill Robinson oo ah khabiir dhanka hurdada ayaa xusay in dad badan fududeystaan hurdada habeenkii oo markasta saameyn toggan ama tabban ku leh firfircoonida qofka.