Home / Arrimaha Bulshada / Goormee kugu dambeysay Nacnac Burbur?,Daawo sida loo sameeyo

Goormee kugu dambeysay Nacnac Burbur?,Daawo sida loo sameeyo

Faadumo C/Qaadir; waxaa ay si iskeed ah u abuurtay shaqo ay ka maareyso nolosha qoyskeeda iyada oo Gurigeeda joogta waliba.

Waxaa ay Guriga ku sameysaa Nacnaca loo yaqaan Bubur ama Luubaani,waxaa uu mar Caan ka ahaa Muqdisho,gaar ahaanna Bosteejooyinka Gaadiidka aada gobollada.

Inkasta oo uu suuqa ku sii yaraanayo haddana Faadumo,waxaa ay ka midtahay dadka wali nolosha ka raadsada,iyadu waxa ayba ku sameysaa Gurigeeda.

Sida ay kaga warrantay warbixintan,waxaa ay ka sameysaa Sokor, Biyo iyo liin, mid ka mid ah labada Nacnac ayaa sokorta lagu yareeyaa sida ay ku sheegtay warbixintan.

Faadumo; waxaa ay sheegtay in xirfaddan sameynta Nacnac ay ka baratay hooyadeed oo sameyn jirtay sidaasna ay kaga baratay haddana u tahay xirfad ka mid ah kuwa ay nolosheeda ka maareyso.

halkan ka daawo.

https://www.facebook.com/RadioHimilo.so

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan