Himilo FM –Granit Xhaka ayaa hoos u dhigay hadalka sheegaya in xiiso uu kaga imaanayo kooxda Inter Milan xagaagan isaga oo ku adkeystay in uu ku farraxsan yahay Arsenal.
Warar kasoo baxayay Italy ayaa sheegaya in xiddigan u dhashay qaranka Switzerland uu bartilmaameed u yahay kooxda ka dhisan horyaalka Serie A, taasi oo dhawaan loo magacaabay tababare Antonio Conte.
Laakiin Xhaka ayaa heshiis cusub oo uu muddo dheer ku qaadanayo la saxiixday kooxda ku ciyaarta Emirates Stadium xagaagii lasoo dhaafay.
Warsidaha kasoo baxa Swiss ee Blick ayaa weydiiyey haddii uu isagu ka dhaqaaqayo xagaagan suuqa kala iibsiga balse Xhaka ayaa ku jawaabay “ Maya taasi waan oggahay.”
“Waxaan heystaa afar sanno oo heshiiskeyga ka haray, keliya waxaan saxiixay sannadkii lasoo dhaafay.”