Home / Habka-Nolosha / Griezmann ayaa iska diiday heshiis inuu la gaaray Man United.

Griezmann ayaa iska diiday heshiis inuu la gaaray Man United.

Muqdisho – Xiddiga Atletico Madrid, Antoine Griezmann ayaa si muuqata iskaga diiday wararka soo jeedinaya inuu heshiis horu-dhac ah la gaaray naadiga Manchester United – isaga oo sheegay inuu wali go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa.

Wuxuu sidoo kale si aan muuqan ugu hal-adkeystay inuu wali yahay laacib katirsan Atletico Madrid – dhaqdhaqaaqyada lala xiriirinayana aysan aheyn kuwo innaba sax noqon kara.

Griezmann wuxuu ku dhawaaqay inaysan jiri doonin go’aan uu iska gaaro ilaa uu wada-hadal la yeesho wakiilladiisa.

“Wararka ku-tiri-ku-teenta ah waxba kama jiraan. Waxaan wali ahay Colchonero,” ayuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay.

“Hiraalkayga xiga waxaan go’aamin doonaa marka aan in badan la tashado la-taliyaashayda ciyaaraha.”

Warar tibaaxayay in Griezmann uu u dhaqaaqayo Old Trafford ayaa toddobaadkan aad isku soo tarayay.

Ugu horreyn, xiddigan 26-jirka ah ayaa hubaalnimada uu kaga mid noqon karo Man U ku sheegay 60% – fursad laga yaabo inay ku dhalato haddii kooxdu ay ku guuleysato koobka Euro League si ay usoo tiigsado tartanka Champion League sanadka soo socda.

Griezmann ayaa 26 gool dhaliyay gudaha 53 kulan oo uu saftay xagaagan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan