Home / Cayaaro / Griezmann “ Messi kama aanan helin soo dhaweyn.”

Griezmann “ Messi kama aanan helin soo dhaweyn.”

Himilo – Dhawaan galka kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann ayaa shaaciyey in kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi uusan weli ka helin soo dhaweyn uu kooxda ugu soo dhaweynayo Camp Nou.

Griezmann ayaa suuqan soo caga dhigtay naadiga Blaugrana kaddib markii uu ugu biiray adduun gaarsiisan £107.5 million horraantii bishan.

Weeraryahanka ayaa saxiixay qandaraas shan sanno ah oo uu la galay naadiga Barcelona kaddib isfaham dhex maray kooxdiisa cusub iyo tiisa hore ee Atletico Madrid.

Griezmann ayaa sheegay in uu saaxiibbadiisa cusub ee ka helay soo dhaweyn diirran kuwaasi oo hadda qeyb ka ah safarka horudhaca xilli ciyaaredka oo ay ku joogaan dalka Japan. Wuxuuna intaasi ku daray in Luis Suarez uu kooxda kusoo dhaweeyay balse uusan wax eray ah ka helin Messi.

Messi iyo Suarez ayaa labadaba ka maqan safarka kaddib markii ay qeyb kasoo noqdeen tartanka Ameerika oo ay ugu danbeyn gacanta ku dhigeen Brazil.

Isaga oo la hadlayey jariiradda AS xiddigii hore ee Atletico Madrid ayaa yiri “Messi illaa iyo hadda ima soo wicin, laakiin Suárez waxa uu iigu hambalyeeyay iguna soo dhaweeyay kooxda Barcelona.”

Griezmann ayaa kooxda u safan doona ciyaarta ay Barcelona la ciyaareyso Chelsea kulanka saaxiibtinimo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan