Home / Macluumaad / GRUMPY: Bisadii ku caan baxday waji macbuusnimada oo naf baxday

GRUMPY: Bisadii ku caan baxday waji macbuusnimada oo naf baxday

Himilo FM –Bisadda ugu caansan shabakadda Internet-ka oo ku caan baxday waji macbuusnimada ayaa lagu soo waramayaa inay naf baxday.

Bisadan oo 7 jir ah islamarkaana magaceeda dhabta ah uu yahay Tradar Sauce ayaa kamid ah xayawaanada rabaayada laga dhigto ee saameynta ku lahaa shabakadda Internet-ka kaddib markii ay sumcad ku yeelatay wajigeeda maxbuuska ah.

Warbixinada ayaa tilmaamay in bisadda ku caan baxday magaca GRUMPY ka cabanaysay caabuq dhinaca kaadi mareenka ah.

Tabatha oo xanaaneysan jirtay xayawaanka ayaa bogga bisadda ee Instagram-ka oo ay la socdaan 11 Milyan oo qofood waxay ku xaqiijisay geerideeda.

“Inkastoo ay daryeel u sameyn jireen xirfadlayaal sarre iyo qoyskeeda haddana GRUMPY waxay wajahday culeysyo dhanka kaadi mareenka ah,” ayay ku tiri Tabatha qoraalka Instagram-ka.

Tabatha ayaa intaa raacisay hadalkeeda in bisadda GRUMPY ay ku reebtay dhoolla-cadeyn wajiyada malaayiin qofood oo caalamka ku nool xilliyo adag.

Bisadda GRUMPY ayaa dhalatay 4-tii bishii April ee sannadkii 2012.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan