Home / Cayaaro / Guardiola “ Ha muujiyaan ciyaaryahanada degganaan.”

Guardiola “ Ha muujiyaan ciyaaryahanada degganaan.”

Himilo FM–Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay in ciyaaryahanada kooxda looga baahan yahay inay muujiyaan degganaan kaddib guushii City ka gaartay Man United.

Goolal ka yimid Bernardo Silva iyo Leroy Sane ayaa siiyay kooxda City Fursadda ah inay garaacaan United si ay u tagaan booska koowaad ee Premier League-ga.

Manchester City ayaa hoggaanka sii heyn doonta haddii ay ku guuleysato seddexda ciyaar ee xigta.

“Wali kuma aanan guuleysan Champion-ka iyadoo seddex ciyaar dhiman tahay,” ayuu yiri Guardiola.

Tababaraha ayaa u sheegay ciyaaryahanada kooxda inaysan daawan telefishinada islamarkaana nastaan oo ay qaataan hurdo wanaagsan si ay u wajahaan Burnley Axadda.

City ayaa 100 dhibcood ku qaaday koobka PL-ka 2017-2018 iyaga oo 19 dhibcood ka sarreeyay kooxda United.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan