Home / Habka-Nolosha / Guardiola: “Hadday UK aysan rabin shisheeyaha, waan iskaga tagi doonnaa.”

Guardiola: “Hadday UK aysan rabin shisheeyaha, waan iskaga tagi doonnaa.”

Muqdisho – Pep Guardiola ayaa sheegay inuusan fikir ka heysan sida ka bixitaanka UK ee Midowg Yurub uu u saameyn doono, hayeeshe wuxuu xusay in – haddii aysan dooneyn shisheeye ay ka tagi doonaan.

Ra’iisul-wasaaraha UK, Theresa May ayaa bilowday habka ay uga bixi lahaayeen Midowga Yurub toddobaadkii hore kaasma wuxuu qaadan doonaa muddo laba sano ah inuu ku dhaqan-galo.

Wax-yaalo dhowr ah oo ku saabsan muwaadiniinta Yurub ee ku nool UK iyo kuwa UK ee ku nool Yurubta kale ayaa ah xaaladaha ay muhiimka tahay in la isla af-garto kahor dhaqan-galka.

Natiijadaasuna waxay saameyn doontaa laacibiin iyo tababarayaal badan oo UK kaga yimid dunida kale ee Yurub. Macalin Guardiola-na wuxuu kamid noqday muwaadiniinta EU ee ka shaqeynaya – halka uu ku hal-adag yahay inaysan jiri doonin xeerar loo dhigo shirkadda kubadda cagta England.

“Waxay ila tahay in xattaa dadka England ay ka dhursugayaan waxa ku dhici doona ka-bixitaanka UK ee EU,” ayuu yiri mar la weydiiyay saameynta Brexit ku yeelan doonto kubadda cagta England.

“Hadda waxaa la qaaday tallaabta hore oo ku ebyami doonta muddo sanad ka badan. Waynu arki doonnaa waxa dhaca. Mana ogi sida ay ku idlaan doonto.”

“Hayeeshe haddii aysan rabin dadka dibadda uga yimid, waynu isaga tagi doonnaa; haddaysan rabin inay dad badan ka qaabilin dibada iyo in kalana, waa arrimo iyaga u yaal inay go’aansadaan.”

Wuxuu intaas daray: “Waxa aan u riyaaqay dhaqanka England – hambalyo. Waxaad awoodaan inaad rabitaankiinna u codeysaan. Dimuqraadiyadda ayaana sidaas ah.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan