Home / Habka-Nolosha / Guardiola: “Laga yaabee anigan ku fiicneyn guul inaan kooxda ku hoggaamiyo.”

Guardiola: “Laga yaabee anigan ku fiicneyn guul inaan kooxda ku hoggaamiyo.”

Muqdisho – Pep Guardiola ayaa qirtay inay dhici karto inuusan aad ugu fiicneyn ku hoggaaminta kooxda City guul.

Kooxda Manchester City ayaa hankii ay ka qabeen hanashada koobka horyaalka England PL soo koobmay iyaga oo 10 dhibcood ka hoos maray naadiga hoggaanka heysa ee Chelsea.

Everton ayaa 4-0 ku suldaartay kooxda ciyaartii dhaweyd iyada oo maantana la balansan kooxda Spurs-ka ee Tottenham – wuxuuse difaacay ciyaartoydiisa.

“Waxay leeyihiin tayo: waxayna kartidooda muujiyeen marar badan. Laga yaabee anigaan ahayn mid ku fiican hoggaaminta kooxda.”

Guardiola ayaa tilmaamay inuusan wax aan guul ahayn aqoonin ka macalin ahaan – hayeeshe wuxuu ku balamay inuu waqtiga adag kaga so bixi doono waaya’aragnimo iyo dardar-gelin.

“Nolosha macalinnimadayda waa xaalad adag waqtigan – waxayse gaar ku tahay xirfadayda.”

“Aalaaba guul, guul, guul. Waxaan doorbidayaa inaan booska hore ku jiro hayeeshe kuma jiri xaaladaas hadda, waana markii iigu horreysay.”

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan