Home / Habka-Nolosha / Guardiola oo aan Conte ku heysan hanashada horyaalnimada PL

Guardiola oo aan Conte ku heysan hanashada horyaalnimada PL

Muqdisho – Macalin Pep Guardiola ayaa ku adkeystay in hanashada horyaalka England uu ka dheer yahay City kuna jiro gacanta Chelsea tiiyoo kooxdiisu ay 4-0 kusoo suldaareen naadiga West Ham

Guusha City ayaa timid wax ka yar bil markii ay 5-0 ku adkaadeen kulan katirsanaa koobka FA Cup.

Macalinka Chelsea, Antonio Conte ayaa goobjoog ka ahaa kulanka ay City la ciyaartay West Ham, hayeeshe macalin Guardiola ayaa qaba in Conte uusan ka walwalin dhinacooda maadaama ay u dhaxeeya 10 dhibcood.

“Ma ahan inuu naga warwaro, waayo waxay kooxdiisu naga sarreysaa 9 dhibcood,” ayuu yiri Guardiola. “Kaliya way lumin karaan PL. Kala fogaantu mayara, hayeeshe wali waxaynu u dagaallami karaa ilaa daqiiqadaha ugu danbeeya koobka Champion League.”

“Dhamaan kooxaha nagu gadaaman way adag yihiin wayna dadaalayaan.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan