Home / Cayaaro / Guardiola oo doonaya in uu Jack Grealish keeno garoonka Etihad Stadium

Guardiola oo doonaya in uu Jack Grealish keeno garoonka Etihad Stadium

Himilo – Tababaraha kooxda Manchester United Pep Guardiola ayaa la soo warinayaa in uu dadaal xooggan ku bixin doono sidii kabtanka Aston Villa Jack Grealish uu u keeni lahaa garoonka Etihad Stadium dhammaadka xilli cayaareedka 2019-20.

Grealish oo dhaliyay 9 gool islamarkaana sameeyay toddobo caawin 27 kulan oo uu kooxdiisa u saftay xilli cayaareedkan ayaa la rumeysan yahay inay doonayaan kooxo badan suuq furanka xagaaga.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa labudaba xiiseynaya cayaaryahanka laakiin Manchester United ayaa loo arkaa inay tahay dooqa koowaad ee laacibka 24 jirka ah.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Guardiola ayaa si weyn ula dhacsan cayaaryahanka reer England isaga oo doonaya in uu keeno Man City kahor xilli cayaareedka soo socda.

Kooxda Manchester City ayaa wajahaysa xaalad adag xilli cayaareedkan marka la fiiriyo horyaalka Ingiriiska oo ay immika 22 dhibcood ka danbeeyaan Liverpool.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan