Home / Cayaaro / Guardiola oo galaya 18-kiisa billood ee ugu dambeeya qandaraaska

Guardiola oo galaya 18-kiisa billood ee ugu dambeeya qandaraaska

Himilo- Pep Guardiola ayaa ka tagi doonin Manchester City dhamaadka xilli ciyaareedkan wuxuuna qorsheynayaa inuu soo gabagabeeyo 18kiisa bilood ee ugu dambeeya qandaraaskiisa Etihad.

Cadaadiska kooxda Citizens ayaa sii kordhayay ka dib guuldaradii 3-1 ee ka soo gaartay Liverpool Axadii taasoo ka dhigeysa kooxda heysata Premier League inay sagaal dhibcood ka dambeyso wiilasha Jurgen Klopp.

Waxaa la sheegay in Guardiola aysan u badneyn inuu sii joogo kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan hadii uu ku guuldareysto inuu xaqiijiyo markii seddexaad oo isku xigta Premier League.

Sida laga soo xigtay The Times, tababarihii hore ee Barcelona iyo Bayern Munich wax dan ah uma qabin inuu ka tago kooxda ka hor inta uusan qandaraaskiisu dhicin.

48 jirkan ayaa bartilmaamed ka noqday Premier League labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, isaga oo 100 iyo 98 dhibcood ka helay xilli ciyaareedyadaas.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan