Home / Cayaaro / Guardiola “Sancho ma uusan dooneynin in uu tartan ku galo kooxda Man City.”

Guardiola “Sancho ma uusan dooneynin in uu tartan ku galo kooxda Man City.”

Himilo FM – Pep Guardiola ayaa sheegay in  Jadon Sancho uusan dooneynin in uu tartan ku galo kooxda Man City si uu isugu dayo noqoshada kooxda koowaad ee joogtada Manchester City.

18-jirkan ayaa City ka dhaqaaqay isaga oo u hayaamay Borussia Dortmund bishii August sanaddii 2017 kaddib markii uu hoos u dhigay in uu heshiis kula joogo kooxda la dhisan Premier League.

Tan iyo markaasi waxa uu noqday xiddig kasoo dhalaalay Bundesliga isaga oo naadiga ku raaxeystay ololahan 2018/19, waxa uu dhaliyay sagaal gool sidoo kale waxa uu caawiyay 11 gool 32 kulan oo uu ciyaaray.

Sancho waxa uu qaabkiisa u muuqday in uu kasbaday xulka qaranka England laakiin Guardiola ayaa sheegay in xiddiga garabka ka ciyaara uusan garaneynin haddii uu ku qasbi lahaa in uu boos joogta ah ka helo City.

“Isagu ma uusan dooneynin in uu galo tartankaan, tani waa fursad uu ku soo saarayo waxa uu awoodo,” ayuu yiri hoggaamiyaha Man City.

Ciyaartoyda, waxay ku xiran tahay iyaga iyo waxa ay ku sameeyaan garoonka. “

Sancho ayaa lagu soo daray ciyaartoyda 25-ka ciyaaryahan ee tababare Gareth Southgate arbacada ciyaari doona isreebreebka tartanka  Euro 2020 iyaga oo la ciyaaraya Czech Republic iyo Montenegro.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan