Home / Habka-Nolosha / Guardiola: “Toure wuxuu u ciyaari karaa kooxda uu doono.”

Guardiola: “Toure wuxuu u ciyaari karaa kooxda uu doono.”

Muqdisho – Macalinka Manchester City, boss Pep Guardiola ayaa rumeysan in Yaya Toure uu ku taagan yahay jidka uu qaadi karo marka uu dhamaado heshiiskiisa.

Adduun lacageedka uu laacibkani ka qaato naadiga toddobaadkiiba £220,000 ayaa ku ebyamaya dhamaadka xagaaga. Walina wax wadahal oo lala furay majiraan. Hayeeshe kooxo waaweyn ayaa daneynaya hanashadiisa.

Tiiyoo macalin Guardiola uusan ka muujin xiisaha uu ka qabi karo cusbooneysiinta heshiiskiisa, hadana wuxuu wali rumeysan yahay in laacibkani fursad u leeyahay ku biirista naadiyo waaweyn.

“Wuxuu u ciyaari karaa naadiyo ama kooxaha waaweyn,” ayuu yiri macalinka Spain.

“Wuxuu ka ciyaari karaa halka uu doono maadaama uu leeyahay tayada shaqsi weyn.”

“Wuxuu ciyaari doonaa kubadda cagta ilaa iyo intuu go’aansado waayo wuu jecel yahay ciyaaraha wuuna ku raaxaystaa.”

“Diiiradda hadda waxay noo saaran tahay tartamada iyo guulaha.”

“Waana aynu ka wada hadli doonnaa wax aksta dhamaadka xagaaga.”

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan