Home / Macluumaad / Gudaha masjidka Hagia Sofia

Gudaha masjidka Hagia Sofia

Himilo – Hagia Sofia waxay dhacdaa bartamaha Istanbul waana dhismo aad u ballaaran oo la micno ah ‘Xikmaddii Barakeysneyd’. Qarniyo badan waxay Kaniisadda ugu weyn oo ay ku cibaadeystaan Biizandiiniyiinta.

Waxaa dhisay Boqorkii Bizantiin, Justinian sannadkii 537.

Markeedii hore oo ay ahayd Kaniisad, mar danbe waxaa laga dhigay Masjidka weyn ee Qustandiiniyah. Waa markii ay qabsadeen Cusmaaniyiintu dhulkii Boqortooyada Bizantiiniyiinta sannadkii 1453. Waxaana furtay halgamaagii weynaa ee Maxamed al-Faatix.

Suldaankii Muslimiinta xilligaas ayaa amray in Hagia Sofia loo bedelo Masjid Jaamac. Laakiin, ma ahayn go’aan ku yimid cabburin iyo muquunin. Waxaa la sheegaa in dhul ahaan loo iibsaday Hagi Sofia si Muslimiinta ay ugu cibaadeystaan dhexdeeda.

Sannadkii 1935-kii, helihii dalnimada Turkiga, Mustafa Kamal Atturk ayaa ka dhigay Maxtaf.

Si kastaba, 10 July 2020 Guddiga Qaran ee Dowladda ayaa laalay xeerki hore kuna tilmaamay mid aan sharci ahayn. Waxaa la meel-mariyay in dib loogu aqoonsado heybteedii hore oo ahayd Masjidka Jaamaca.

Go’aanka kaddib kumaankun Muslimiin ah ayaa isugu baxay si ay ugu tukadaan hareeraha Hagia Sofia – iyaga oo u dabaal-degaya go’aankii ahaa in hadda kaddib Masjid laga dhigay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan