Muqdisho – Arsenal ayaa iska diiday dalab ku kacaya £50 million oo Manchester City kaga doonayso laacibka Alexis Sanchez, sida ay fahamsan tahay Goal.
Si kastaba, ilo ku dhow lakabyada ugu sarreeya kooxda ayaa Goal u sheegay inay ku niyad-weyn yihiin la saxiixashada laacibka kahor maalinta Khamiista ah oo uu xirmayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Goal ayaa sidoo kale warinaysay in xiddigan uu muddo ka biya-diidsanaa kusii nagaanshaha kooxda xilli Arsenal ay ku adkeysanaysay inuusan beec ka ahayn xaggeeda.
Arsenal ayaa markii hore doonaysay in beeca laacibkan lagu lifaaqo helidda Raheem Sterling oo City katirsan, walow kooxda Manchester ka dhisan aysan doonayn inay iibiso.
Waxaa sidoo kale lasoo weriyay in Sergio Aguero ay Arsenal baddal ahaan ku rabto in kasta oo laacibkani sheegay inuusan doonayn ka dhaqaaqista gegida City.
City waxay ku niyad-weyneyd saxiixa Sanchez taniyo bishii April ee sanadkan.