Home / Habka-Nolosha / Guusha Arsenal ka gaartay Tottenham maxay uga dhigan tahay?!

Guusha Arsenal ka gaartay Tottenham maxay uga dhigan tahay?!

Muqdisho – Waxaa jiray warar la isla dhex marayey oo ku saabsanaa awoodaha labada koox, laakiin Shkodran Mustafi iyo Alexis Sanchez ayaa shabaqa soo taabtay iyadoo Arsenal ay 2-0 ku garaacday Tottenham.

Ozil ooa ahaa mid si wanaagsan u ciyaarayay kulankan  ayaa laad xor ah oo uu soo qaaday waxaa Arsenal kaga faa’iideeyey Shkodran Mustafi, si uu hoggaanka ugu dhiibo kooxdiisa, ka hor inta uusan Sanchez dhalin goolka labaad ee Arsenal isla qeybtii hore ee kulanka.

Ozil iyo Sanchez oo ciyaartan saameynta ugu badan ku lahaa ayaan la hubin in ay wada ciyaari doonan kulanka labaad ee Londan Darby maadaama aan la hubin mustaqbalkooda ku aadan joogidda Arsenal.

Kooxda Arsena ayey guushaani ka caawisay in ay soo dagto kaalinta 5aad ee ka sarreyta horyaalka EPL-ka 12 kulan oo ay ciyartay ayeyna ka heshay 22 dhibcood.

Wax-yaalaha laga diiwaan-geliyay.

– Arsenal ayaa soo gabagabeysay lix kulan oo Premier League ah oo aysan ka adkaan Spurs (D4 L2), waxeyna ka gaareen guushoodi ugu horreysay tan iyo  March 2014.

– Gunners ayaa badisay 11 kulan oo Premier League ah oo isku xigta iyadoo ku ciyaareysa gurigeeda, waa markeedi ugu fiicnaa tan iyo markii ay 13 kulan oo xariir ah ay badiyeen iyaga oo ku ciyaareen Highbury intii u dhexeysay Febraayo iyo November 2005.

– Mauricio Pochettino ayaa guul dareystay afar kamid ah lixdiisi kulan ee London derbies isaga oo maclin u ah Spurs dhamaan tartamada (W2).

– Tan iyo markii uu kulankiisii ugu horeeyay ee Premier League safatay  September 2013, Mesut Ozil ayaa 45 gool caawiyay, waana in ka badan ciyaaryahan kasta oo tartankan ciyaara, 21 caawinaad ayuuna ka badan ciyaaryahan kasta  oo Arsenal ah tan iyo xilligaas

– Hugo Lloris shabaqiisa ma uusan ilaashan kulan banaaka ah isaga oo lixda kooxood ee waaweyn la ciyaaraya banaanka Premier League waxaa laga dhaliye  56 gool, 24 kulan, celcelis ahaan kulan waliba waxa laga dhalinayey 2.3 gool kulan waliba.

– Alexis Sanchez ayaa soo gaba-gabeeyey 11kulan oo  Premier League uusan wax gool ah ka dhalin sixda koox ee waaweyn – kooxha waweyn goolkii ugu danbeeyey ee uu ka dhaliyo ayaa ahaa kii uu ka dhaliyey  Chelsea September 2016.

– Arsenal waligeed kuma aysan dhameysan meel ka hooseysa kaalinta afarad marka uu idlaanayo Premier League waliba iyaga oo Spurs kaga adkaaday gurigooda.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan