Home / Habka-Nolosha / Guusha Man United ka gaartay Tottenham maxay kaga dhigan tahay?!

Guusha Man United ka gaartay Tottenham maxay kaga dhigan tahay?!

Muqdisho – Manchester United ayaa guul 1-0 ah ka gaartay Tottenham Hotspurs kulankii Isbuucaan ugu adkaa horyaalka England Premier League .

Man United ayaa garoonkeeda ku adkaatay iyadoo markale shabaqa ilaashatay kana soo kabsatay guuldarradii Isbuucii lasoo dhaafay kasoo gaartay kooxda Huddersfield Town.

Ciyaartii Old Trafford ayaa ahayd mid aad u adag walow ay fursado badan abuurtay Tottenham.

Fursadii ugu fiicnayd ayaa waxaa helay Delle Ali balse uma suura galin in ay wax gool ah dhaliyaan taas oo u sahashay United-ka in ay rikoorkeeda guuldaro la’aanta gurigeeda ah ay sii wadato.

Kulankaan ayaa qeybtii hore ku soo idlaaday is mari waa 0-0 ah.

Laakiin isku soo noqodkii ayaa halkeeda ay kasii wadeen is mari wagaa ilaa laga gaaro daqiiqada danbe ee ciyaarta.

Man United waxaa uu macalinkeeda garoonka ka saaray daqiiqadii 70aad da’yarka Marcus Rashford waxaana loo yeeray Anthony Martial.

Xidiga reer France ayaana waxa uu noqday mid badalkiisa lagu faa’iiday markii uu dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 81aad, kaasoo caawinaad madax ah ka helay xiddiga reer Belgium, Romelu Lukaku kubad si toos ah uga timid goolhaye David De Gea. Ciyaarta ayaana noqotay 1-0

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan