Home / Habka-Nolosha / Guushii taariikhiga noqotay ee xalay Barcelona ku dhigtay rikoorka cusub

Guushii taariikhiga noqotay ee xalay Barcelona ku dhigtay rikoorka cusub

Muqdisho – “Haddii Paris Saint Germain ay naga dhaliso 4 gool, waxaan ka dhalin karnaa 6 gool.” Taasi waa waxa Luis Enrique uu ka dhawaajiyay kahor ciyaartii ay kooxdiisu 6-1 ku xaaqday dhiggeeda Paris.

Mid u dhigan dib usoo kabsashadii ugu weyneyd horyaalka Champion League iyo dabcan taariikhda casriga ah ee kubadda cagta, Barcelona wixii ay ku dhigeen Paris waxay noqotay dhacdo lama filaan lama ilaawaan ah.

Tani waxay daba soctay guulihii waaweynaa ee dhawaan dhoolla-tus ahaan Barcelona kusoo dhaweyneysay kulan ciyaareedkii xalay. Waxay Arbacadii hore Sporting Gijon ku dhufatay 6-1; iyada oo Celta Vigo daadka ku raacisay 5-0; wixii xalay dhacayna waa la filan karay – kumase jirin filashada.

Madaxweynaha kooxda Paris Saint Germain, Nasser Al-Khelaifi ayaa tani ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Hayeeshe tani waxay dib ugu laabaneysaa saadaasha macalin Pep Guardiola oo bishii hore ka hadlay mar la weydiiyay rajada Barca. “Iska ilaaliya inaad Barcelona ku canbaareysaan guul-darrada 4-0.  Waayo waxaa dhici karta inay idin sheegaan inaad qaldaneydeen.” ayuu tilmaamay.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan