Himilo- Qoys ku nool Guyana oo ah dal dhaca koonfurta Ameerika ayaa si deg deg ah u aasay nin ka dhashay oo galay shil baaskiil iyaga oo aan wargelin booliiska.
Sida ay tilmaamtay warbaahinta maxaliga ah, shil baaskiil oo ka dhacay deegaanka Robononi ayaa sababay dhaawac soo gaaray labada nin ee kaxeynayay.
Booliiska ayaa gaaray goobta shilka ka dhacay, waxay arkeen dhibane kamid ah labada qofood laakiin ma aysan la kulmin qofka labaad.
Wargeyska Kaitor News ayaa qoray in dhibanaha koowaad loola cararay isbitaalka iyadoo xaaladiisa deggan tahay balse qoyska qofka labaad ayaa u qaatay in uu dhintay wiilkooda.
Waxaa intaa la raaciyay in booliiska aan la gaarsiin dhacdada balse mar danbe ayay tageen guriga dhibanaha labaad.
Booliiska ayaa argagax ka muujiyay markii loo sheegay in la aasay ninka labaad ee shilka baaskiil ku dhaawacmay iyadoo loo qaatay in uu dhintay.
Xubnaha maamulka ee goobta tagay ayaa go’aansaday inay dib u qodaan qabriga iyadoo mar danbe laga soo saaray dhibanaha oo naf yar ku jirto. Marka la gaarsiiyay isbitaalka ayuu geeriyooday.