Home / Habka-Nolosha / Gylfi Sigurdsson oo tijaabada caafimaad u maray Everton.

Gylfi Sigurdsson oo tijaabada caafimaad u maray Everton.

Muqdisho – Everton ayaa qarka u saaran in ay ku dhawaaqdo heshiiska xiddiga kooxda Swansea City, Gylfi Sigurdsson kadib markii uu tababbare Ronald Koeman xaqiijiyay in uu ka gudbay tijaabada caafimaadka.

Kubad-sameeyahan u dhashay Iceland ayaa la rajeynaya in la dhameystiro ku biiritaankiisa Goodison Park fiidnimada Arbacada, lasoo-wareegista xiddigan ayaa ka dhignaan doonta in uu suuqa ka baxo saxiix waqti dheer loogu jiray loolan adag.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in laacibkan ay kooxdu ku soo qaadan doonto £45 milyan oo lacagta Ingriiska ah, kubad-sameeyahan ayaa ku lug lahaa 22 gool oo Premier League ah xagaagii dhamaaday.

Sigurdsson ayaa laga saaray safkii Swansea ee wajahay kooxda Southampton kulankii furitaanka horyaalka oo ay kooxdu ciyaartay kuna dhamaatay barbar-dhac.

Ciyaaryahankan u dhashay waddanka Iceland ayaa kamid ciyaartoyda heerarka sare ee kubadaha sameeya ahna mid lagu xushmeeyo tuurista laadadka xorta ah, sanadkii dhamaaday ayuuna ka dhaliyay Manchester United kubad darbo toos ah.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan