Himilo FM –Duulimaadka diyaaradaha waxay dadka qaar u tahay arrin walwal badan iyagoo murgooda intay diyaaradda saraan yihiin. Haddii aad kamid tahay dadkaasi, waxaa jirta hal arrin oo ay tahay inaad sameyn inta uu socdo socdaalka diyaaradda.
Patrick Smith oo ah duuliye caan ah oo qoray buugga “Cockpit Confidential” ayaa ku siinaya talo wanaagsan oo la xiriirta duulimaadka diyaaradaha iyo walwalka harreeya rakaabka.
Mr Smith ayaa tilmaamaya in wajiyada shaqaalaha diyaaradda oo diiradda la saaro iyadoo fasiraad laga bixinayo tahay mid inta badan walwal ku reebta rakaabka.
Dadka qaar ayaa dareenka ay ka akhristaan shaqaalaha waxay u qaataan inay jirto mushkilo ama dhibaato diyaaradda wajahayso.
“Dareenka ka muuqanaya shaqaalaha, waxa uu noqon karaa daal ee ma aha cabsi,” ayuu yiri Smith.
Waxa uu intaa raaciyay haddii ay jirto dhibaato dhaw oo dhici karta in lagu fahmi karo siyaabo kale oo aan aheyn dareenka laga garto shaqaalaha.
“ Dhabtii, rakaabka waa lagu war geliyaa wixii deg deg ah ama ciladda jirta,” ayuu yiri mar kale qoraaga buugga Cockpit Confidential.
Ugu danbeyn, waxa uu duuliyihii hore ee Patrick Smith sheegay in shaqaalaha aysan rakaabka la socod siineyn haddii ay jirto cilad yar oo aan khatar ku aheyn nabad gelyada.