Muqdisho – 7 April sanad kasta waxaa la xusaa Maalinta Caalamiga ee Caafimaadka oo ku asteysan aa’aaska Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo shalay oo kale sanadkii 1948-kii looga dhawaaqay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Dalalkii ugu horreeyey ee xaadiray madashii looga dhawaaqayay hey’adda WHO waxaa kamid ahaa India, USA, Syria, Turkey, China iyo kuwa kale.
Taniyo markii la bilaabay xuska Maalinta Caalamiga ee Caafimaadka sanad walba waxaa la qaadanayay hal-ku-dheg la xiriira dhibaatooyinka halista leh ee sababa cudurrada. Sanadkan waxaa hal-ku-dheg ahaan loo qaatay depression ama walwalka.
Walwalku waa cudur kaas oo dhici kara qof kasta. Wuxuu keensadaa isla hadal nafeed; wuxuuna saameyn karaa kartida uu qofku ku qabsan karo howl-maalmeedkiisa iyo sii wadista xiriirka kala dhaxeeya bulshada uu la nool yahay. Dhacdooyinka ugu xun, meelaha qaar, ee walwalku sababo waa is-dilka oo ku badan dunida Galbeedka iyo Asiyada fog sida Japaan, Kuuriya Koofureed, Shiinaha iyo dalalka la isku yiraahdo Indo-China sida Fiitnaam.
Dunida Muslimka, kiisaska la xiriira is-dilka ee ka dhasha walwalka faraha badan kuma badna. Mana la maqlo wax lala xiriiriyo. Mahad waxaynu u celineynaa Allihii nagu hadeeyey diinteenna Islaamka. Soomaaliduna waxay kamid tahay bulshada Islaamka.
Marka loo eego mala-awaal cilmiyeysan oo ku aadan depression-ka ama walwalka oo ay soo saartay Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, tirada dadka la nool walwalka waxay kor u kacday 18% intii u dhaxaysay sanadihii 2005 iyo 2015.
Sidoo kale walwalku waa sababta ugu weyn ee naafada dunida. In ka badan 80% bukaannada la nool walwalka ayay hey’addu sii tilmaantay inay kasoo jeedaan qoysaska ku nool dakhli yaraanta.
Nasiib-wanaag, walwalku wuxuu heli karaa daweyn iyo la tacaalis – iyada oo lamarayo dawada diiniga ah ee ruuxda la hadasha iyo talooyinka maadiga ah ee qofka u furfura albaabadii uu walwalku ka xiray.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.