Home / Macluumaad / Halkee ayaa wali laga isticmaalaa telefishanadii hore ee aan midabka laheyn?

Halkee ayaa wali laga isticmaalaa telefishanadii hore ee aan midabka laheyn?

Himilo- Inkastoo laga joogo muddo ka badan 50 sanno markii uu soo baxay telefishanka midabka leh haddana telefishanadii hore ee cadka iyo madowga ayaa laga isticmaalaa magaalada London.

Marka la eego xoggo ka soo baxa hay’adda telefishanada Ingiriiska, inka badan 6 kun oo qoys ayaa adeegsada nuucyadii hore ee aan midabka laheyn.

Tani waxay ka dhigan tahay in London tahay magaalada ugu horreysa ee laga heli karo telefishanada caddaanka iyo madowga.  Waxaa la qiyaasay in 1311 qoys inay heystaan dhallooyinkii hore.

Waxaa sidoo kale laga isticmaalaa telefishanadii hore magaalooyinka Birmingham iyo Manchester sida lagu xusay xogta la soo saaray.

Paul Coper oo ah afhayeenka hay’adda telefishanada Ingiriiska ayaa sheegay in telefishanadii hore uu yahay dooqa qoysas badan oo deggan dalka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan