Home / Macluumaad / Halkee ayay dadka ugu badan caalamka ku noolaan doonaan 2050?

Halkee ayay dadka ugu badan caalamka ku noolaan doonaan 2050?

Himilo – Warbixin ka soo baxday hay’adda QM ayaa saadaalisay in tirada dadka caalamka gaari doonto 9.7 Bilyan marka la gaaro sannadka 2050 iyadoo loo fiirinayo tirada dadka dunida ee maanta oo dhan 7.7 Bilyan oo qofood.

Waxaa la filayaa in tirada dadka kororto 11 Bilyan sannadka 2100 iyadoo dadka ku nool dalalka saxaraha koonfureed ee Afrika ay laba jibaarmi doonaan.

Warbixinta ayaa sawir guud ka bixinaysa mustaqbalka dalalka tirada dadkooda kordhi doonto xilli korriimada dadka caalamka hoos u dhacayso sabab la xiriirta heerarka dhalmada.

Marka la gaaro sannadka 2050, inka badan kala bar dadka caalamka ayaa ku noolaan doona 9 dal oo kala ah Hindiya, Nigeria, Pakistan, Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo, Ethiopia, Tanzania, Indonesia, Masar iyo Mareykanka.

Dhanka kale, Shiinaha oo hadda ah dalka ugu dadka badan caalamka ayaa la kulmi doono hoos u dhac dadka ah 2% inta u dhaxaysa sanadaha 2019 illaa 2050.

Si guud, 27 dal ayaa wajahay hoos u dhac dhanka dadka ah tan iyo sannadkii 2010, waxaa ugu wacan heerarka dhalmada.

Tirada dhimashada ayaa ka badan inta dhalata dalal ay kamid yihiin Belarus, Estonia, Jarmalka, Hungary, Talyaaniga , Jabaan, Russia, Serbia iyo Ukraine hase ahaatee waxaa kabi doona qulqulka qaxootiga gaaraya.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan