Home / Arrimaha Bulshada / Halkee ayay ku nool yihiin dadka ugu farxadda badan caalamka?

Halkee ayay ku nool yihiin dadka ugu farxadda badan caalamka?

Himilo FM –Finland ayaa sanandkii 2aad oo xiriir ah noqotay dalka dadkiisa ugu farxadda badan yihiin caalamka sida lagu sheegay warbixin cusub oo QM soo saartay.

Dalkan dhaca waqooyiga Yurub oo dadkiisa gaarayaan 5.5 Milyan oo qofood ayaa ku guuleystay inuu galo kaalinta ugu horreysa e liiska dalalka ugu farxadda badan dunida iyadoo keliya aan lagu tiirsaneyn dhaqaale iyo hantida dadka heystaan.

Warbixinta farxadda adduunka oo ay soo saartay shabakadda horumarinta waarta ee QM ayaa qiimeyn ku sameysay farxadda muwaadiniinta 156 dal.

Waxaa dalalka laga eegayay dhinacayda dhaqaalaha, da’da dadka, kaalmada bulsho, xurriyadda qofka ee go’aanadiisa iyo heerka musuqa dowladda.

Si lamid ah Finaland, dalalka kale ee dhaca gobalka Scandinavian-ka ayaa soo galay kaalmaha ugu horreeya sida Denmark, Norway iyo Iceland. Wadamada kale ee ugu sarreeya liiska waxaa kamid ah Netherlands, Switzerland, Swedhan, New Zealand, Canada iyo Austria.

Mareykanka ayaa ka soo dhacay kaalinta 18aad isaga oo yimid booska 19aad ee dalalka ugu farxadda badan xilli dhaqaalaha dalkaasi uu xoogeysanayay sannadihii danbe.

Warbixinta oo ka kooban 134 bog ayaa lagu xusay in guud ahaan heerka farxadda caalamka hoos u dhacday iyadoo uu jiro kobac dhaqaale oo wanaagsan. Waxaa si gaar ah farta loogu fiiqay hoos u dhaca farxadda dalalka Mareykanka, Masar iyo Hindiya.

10-ka dal ee ugu farxadda badan caalamka

1. Finland

2. Denmark

3. Norway

4. Iceland

5. Netherlands

6. Switzerland

7. Sweden

8. New Zealand

9. Canada

10. Australia

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan