Himilo –Inta badan waxaa la rumeysnaa in Jabaan ay ku jirto kaalinta ugu horreysa ee liiska dalalka dadkooda ugu cimriga dheer yihiin caalamka laakiin natiijadda baaritaan cusub ayaa kahor imaanaya.
Khubaro katirsan jaamacadda Pennsylvania ayaa qiimeyn cusub ka soo saaray dalalka ay u dhasheen dadka gaara da’da fog dunida oo dhan.
Marka la eego natiijadda, haweenka Switzerland ayaa noqday kuwa ugu cimriga dheer marka loo fiiriyo haweenka kale ee caalamka. Waxaa kaalmaha xiga soo galay Australia, Norway, Sweden, Holland, Ingiriiska, Faransiiska, Mareykanka, Denmark, Finland, Belgium, Jabaan, Spain, Talyaaniga iyo Portugal.
Da’da fog ee haweenka Switzerland ayaa loo tiiriyay hannaanka caafimaadka wanaagsan ee uu dalkaasi leeyahay.
Ragga ku nool Australia ayaa soo galay kaalmaha hore ee dadka gaara da’da fog sida lagu xusay qiimeynta cusub.