Himilo – Daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday in Tanzania ay ku nool yihiin libaaxyada ugu badan qaaradda Afrika marka la eego dalalka kale.
Warbixinta ka soo baxday jaamacadda Oxford ayaa ka digtay hoos u dhaca tirada libaaxyada qaaradda Afrika iyadoo xustay in 22,509 libaax inay ku nool yihiin qaaradda oo dhan.
Baaritaanka ayaa muujiyay in Tanzania ay ku nool yihiin tirada ugu badan ee libaaxa oo lagu qiyaasay 8,176. Waxaa kaalmaha xiga qaatay Koonfur Afrika (1825) iyo Kenya (2070).
Dr Denis Icandi oo madax ka ah machad sameeya baaritaanada oo ku yaalla Tanzania ayaa sheegay in libaaxyada ku nool dalka lagu ilaaliyo beero qaran iyo goobo si dabiici u abuurmay oo ku fadhiya cabbir dhan 300 km labo jibaaran.
Waxa uu intaa raaciyay in warbixinta Oxford ka tarjumeyso 50% tirada libaaxyada ku nool dalka inkastoo uu qiray hoos u dhaca ku socda xayawaanka.
Ugaarsiga joogtada ah ee qaaradda Afrika ayaa khatar ku ah jiritaanka xayawaano badan oo ku nool qaaradda oo qarka u saaran dabar go’.