Home / Macluumaad / Halkee ayuu ka baxaa nuuca canabka ugu qaalisan dunida?

Halkee ayuu ka baxaa nuuca canabka ugu qaalisan dunida?

Himilo – Waxaa jira boqolaal nuuc oo canab kala duwan ah oo laga beero dalka dhaca Asia ee Jabaan laakiin waxaa jira nuuc ka tilmaaman inta kale oo xermadiisa yar la iibiyo boqolaal doolar.

Kahor muddo 20 sanno ah ayaa beerista canabka loo yaqaan Ruby Roman laga billaabay gobalka Ishikawa ee dalka Jabaan, waxaana uu noqday canabka ugu qaalisan caalamka.

Sheekada canabkan ayaa u laabaneysa sannadkii 1995-kii, xilligaasi oo beeraleyda gobalka iyo xarun baaritaan iska kaashadeen beerista canabka Ruby Roman.

Kaddib labo sanno oo ay socotay tijaabada canabka cas, waxaa soo baxday in uu nuuca canabka Ruby Roman yahay kan ugu dhadhan macaanka mirahan.

Sannadkii 2008-dii, kaddib 14 sanno oo laga shaqeynayay horumarinta canabka, wargeysyada waaweyn ee caalamka waxaa qabsaday cinwaanada sheekada canabkan oo xermadiisa yar lagu iibiyay 10000 lacagta Yen-ka Jabaan ah ( $910)

Tan iyo xilligaasi, waxaa canabkan lagu tilmaamaa in uu yahay kan ugu qaalisan caalamka iyadoo ugu wacan tahay dhadhankiisa macaan iyo midabkiisa casaanka. Beeraleyda ka shaqeysa mirahan ayaa ilaaliya shuruudo badan sida in culeyska xermada canabka uu noqdo 20 Garaam islamarkaana sokorta laga dhigo 18

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan