Home / Cayaaro / Halkee ayuu ku biiri karaa Pogba oo ka tagaya Man United?

Halkee ayuu ku biiri karaa Pogba oo ka tagaya Man United?

Himilo FM – Paul Pogba ayaa la hadlay kooxda Man Utd isaga oo u sheegay in uu ka dhaqaaqayo xagaagan.

Xiddiga heerka qaran ee dalka France ayaa kamid ah bartilmaamedyada tababare Zinedine Zidane ee uu dib ugu dhisayo kooxda Real Madrid.

Si kastaba, United ayaa ku qasban inay hesho 26 jirkan beddelkiisa kaasi oo qirtay markii ugu horreysay in uu doonayo isbeddel cusub oo ka baxsan garoonka Old Trafford.

“Aniga ahaan waxaan joogay seddex sanno kooxda Man Utd, waxaan sameeyay wax wanaagsan iyo kuwa xun intaba sida qof waliba.”

Waxa uu inta raaciyay “kaddib xilli ciyaareedkan iyo wax waliba oo dhacay waxa uu ahaa fasal anniga aad iigu wanaagsan, waxaan ku fekerayay inay wakhti wanaagsan noqon laheyd haddii aan helo isbeddel cusub oo meel kale ah.”

Pogba ayaa dib ugu biiray Man Utd isaga oo £89 million heshiis ah kaga soo dhaqaaqay  Juventus xilli ciyaareedkii 2016 wuxuuna kooxda kula guuleystay Europa League iyo  EFL Cup waayahii uu joogay kooxda Old Trafford.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan