Himilo – Astaamo gaar ah ayaa laga eegaa geedaha marka la qiimeynayo sida nuucooda iyo joogga dheer, waxaana jir malaayiin geedo ah balse aan wadaagin tilmaamo isku mid ah.
Geedka ugu dheer caalamka waxa uu ku yaallaa gobalka California ee dalka Mareykanka, waa nuuc kamid ah geedaha loo yaqaan Sequoia sempervirens.
Sannadkii 2006-dii ayaa la soo helay geedka Hyperion oo dhirirkiisu yahay 379.7 cag oo u dhiganta 115.7 Mitir.
Waxyar kaddib markii loo aqoonsaday geedka ugu dheer caalamka, qoraa katirsan New Yorker ayaa ku dhawaaday halka ugu sarreysa geedka isaga oo ka hadlay waxay ka dhigneyd xaaladaasi.
“Dabeyl xooggan ayaa I garaaceysay, meesha ugu sarreysa Hyperion, waxa uu leeyahay caleen kala duwan,” ayuu yiri Richard Preston oo ah qoraaga New Yorker.
Nuucyada kale ee geedaha loo yaqaan Redwoods ama Sequoia sempervirens waxaa kamid ah Helios oo jooggiisa dhirirka uu yahay 113.1 Mitir iyo Daedalus oo lagu qiyaasay 110.8 Mitir.
Lama ogga halka rasmiga ah ee geedka ugu dheer dunida uu kaga yaallo gobalka California ee dalka Mareykanka sabab la xiriirta baqdin ah in la jaro.