Home / Cayaaro / Halkee ayuu u dhaqaaqi karaa xiddiga Matuidi ?

Halkee ayuu u dhaqaaqi karaa xiddiga Matuidi ?

Himilo – Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa labadaba lagu soo waramayaa inay daneynayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Juventus Blaise Matuidi.

Balse xiddiga khadka dhexe ee Juventus  Matuidi ayaa xiiseynaya inuu u dhaqaaqo Manchester United.

Kooxda reer Talyaani ayaa la sheegayaa inay xiiseyneyaan saxiixa Paul Pogba, kaasoo ah mid xaddidan fursadaha uu xiddiga heerka caalami ee dalka France ku aadi karo Turin.

Sida laga soo xigtay Corriere di Torino, taasi waxay  ku qasbi kartaa  32 jirka inuu ka fiirsado mustaqbalkiisa meelo kale , u dhaqaaqista Old Trafford ayaa u muuqata mid ka mid ah waxyaabaha uu doorbiddo haddii uu tartan cusub galo.

Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in saxiixa xiddigii hore ee Paris Saint-Germain uu weli yahay xul kale, in kasta oo uu xiddigu doonayo inuu isku tijaabiyo Premier League.

Matuidi ayaa dhaliyay 7 gool 87 kulan uu saftay tartamada oo dhan intii lagu jiray labadii sanno ee uu joogay Juventus.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan