Muqdisho – Ander Herrera ayaa aad ugu riyaaqsan in kulanka ay ku doonayaan hanashada Europa League ay wehel ka dhiganayaan Zlatan Ibrahimovic.
Kooxda United-ka ayaa finalka koobkan kula balansan maalinta Arbacada ah naadiga reer Holland ee Ajax – si ay ugu danbeyn u hubsadaan hanashadiisa iyo sidoo kale kamid noqoshada kooxaha horyaalka PL kaga qeyb-gali doona tartanka Champion League.
Macalin Jose Mourinho ayaa la’aanta bandhigleyda waaya’aragga ah sida Ibrahimovic iyo Ashley Young wajihi doono Ajax – hayeeshe waxay qeyb ka noqonayaan socdaalkooda.
Herrera ayaase ku niyadsan wadajirka kooxda inay micno weyn u tahay guushooda.
“Sababta aan ugu guuleysannay koobabka Community Shield iyo EFL Cup xagaagan, waa sababta oo ah qof kasta oo ayaa qeyb ka ahaa goob. Finalka qof kasta ayaa iska leh,” ayuu yiri.
“Dabcan 11 laacib ayaa ku jira garoonka, hayeeshe waxaa kartidooda si weyn u muujinaya garab istaaga jaallayaasha keydka ugu jira oo dhiirri-gelinaya.”
“Zlatan iyo Ashley waxay leeyihiin tayo sarreysa. Waana u baahannahay mid kasta oo kamid ah.”
Harrera ayaa ku celceliyay in Zlatan uu kasoo bogsan doono dhaawaca ku dhacay ee u saamixi waayay dhameysiga kulamada xagaagan.
“Innaga ayuu nala jiraa; wuu ina taageerayaa,” ayuu yiri.
“Waxay ila tahay inuu yahay sama-fale dhanka fiican wax ka saadsada. 100% wuu kusoo noqonayaa garoomada waayo ma joogi karo ilaa iyo inuu guulaysto mooyee.”