Home / Habka-Nolosha / Harry Kane oo danaya in uu ciyaaro mid kasta oo kamid ah kulamda xilli ciyaareedkan.

Harry Kane oo danaya in uu ciyaaro mid kasta oo kamid ah kulamda xilli ciyaareedkan.

Muqdisho – Weeraryahanka Harry Kane ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu ciyaaro kulan kasta xilli ciyaareedkan, ita laga gaarayo Koobka Adduunka ee xagaaga soo aadan ka dhici doona Russia.

Kane ayuu dhaawac ka soo gaaray kulankii North London derby ee Arsenal, waxaana uu noqon doonaa dooqa koobaad ee tababaraha Three Lions ee Gareth Southgate bisha June.

Kane oo 24 jir ah ayaa ku guul-dareystay inuu gool ka dhaliyo Gunners, laakiin wuxuu ka dhaliyay Borussia Dortmund Champions League mar labaad xilli ciyaareedkan.

“Waxay ku xiran tahay sida jirkeygu u caafimada qabo,” Kane ayaa u sheegay The Mirror. “Waxaan sameynayaa wax walba oo aan sameyn karo si aan u hubiyo inaan ciyaari karo kulan kasta, mararka qaar waxaa kusoo gaaraya dhaawac, sida jilibka iyo muruqa ah, waana inaad sameysaa waxa adiga kuu fiican.”

“Waxaan isku dayi doonaa inaan ciyaaro kulan kasta, laakiin haddii aysan macquul ahayn waxaan isku dayi doonaa inaan si dhaqso ah dib ugu soo laabto.

“Koobka Adduunka waa waddo dheer, wax badan ayaa dhici kara inta u dhaxeysa hadda iyo kadib, sidaas darteed waa inaan ilaaliyaa nafsadeyda, caafimaadkeyga,  waan arki doonaa waxa dhaca,” ayuu kusoo xiiary hadalkiisa.

Tottenham ayaa galabta wajaheysa West Bromwich Albion garoonka Wembley.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan