Home / Cayaaro / Havertz oo ka tagaya Leverkusen kaddib guuldarradii Europa League

Havertz oo ka tagaya Leverkusen kaddib guuldarradii Europa League

Himilo – Kai Havertz ayaa u dhaqaaqaya Chelsea kaddib markii Bayer Leverkusen ay ka hartay tartanka Europa League.

Havertz ayaa dhaliyay goolkiisii 18aad ee xilli cayaareedkan kulanka kooxdiisa ay kahor timid Inter Milan balse goolka 21 jirka ma uusan soo saarin kooxdiisa kaddib markii Inter Milan ay goolal u dhaliyeen Nicolo Barella iyo Romelu Lukaku.

Lixidii billood ee ugu danbeysay, Chelsea ayaa si weyn loola xiriiriyay laacibka reer Jarmal kaasi oo la tilmaamay in uu ka tagayo Leverkusen inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Si kasta, kooxda Bundesliga ayaa la rumeysan yahay inay iibineyso xiddigeeda, taasina waxay ku xeran tahay nuuca dalabaadka loo soo gudbiyo.

Sida laga soo xigtay Sports Lens, Chelsea ayaa ku tijaabineysa cayaaryahanka dalab ku kacaya £62m.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan