Himilo FM –Haweenay Mareykan ah ayaa lix cunug ku dhashay muddo sagaal daqiiqo ah isbitaalka The Woman’s Hospital of Texas ee dalka Mareykanka sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaasi.
Tailama Tachaka ayaa dhashay lix cunug oo labo kamid ah yihiin gabdho, waxaana carruuta miisaankooda la egyahay 800 illaa 1300 Garaam ku dhasheen sagaal daqiiqo gudaheed.
Dhaqaatiirta isbitaalka ayaa xusay in xaaladda caafimaad ee hooyada wanaagsan tahay inkastoo culeyska carruurta ay siday muddo 9 billood ah.
Ms Tailama ayaa magac u bixisay labada cunug ee ugu horreeyay iyadoo goor sii horreysay ku tala gashay balse inta kale wali ma aysan siin magacyo.
Shaqaalaha isbitaalka Texas ayaa sheegay in suurtagalnimada dhalidda lix carruur ah inay tahay mid markasta naadir ah iyadoo hal xaalad keliya laga heli karo dhalashada 4.7 Bilyan oo qofood.