Home / Arrimaha Bulshada / Haweenay 81 jir ah oo dib u heshay hooyadeed muddo 60 sanno kaddib!

Haweenay 81 jir ah oo dib u heshay hooyadeed muddo 60 sanno kaddib!

Himilo FM –Muddo 60 sanno ah oo ay raadinaysay hooyadeed kaddib, waxay Eileen Macken oo 81 jir ah nasiib u yeelatay inay hesho hooyada dhashay oo 103 jir ah.

Eileen ayaa cabirtay sida ay ugu faraxday aragtida hooyadeed oo ay baadi goobeysay muddo 61 sanno ah. Waxaa kale oo intaa dheer inay heshay labo walaal oo la dhashay islamarkaana da’doodu tahay 70 sanno.

Haweenayda da’da ah ee heshay hooyadeed ayaa dadaal ugu jirtay helitaanka dadka ku dhiigga ah iyadoo dareemaysay wehel la’aan. Waxayna tani fududeyn doontaa in la oggaado taariikhda caafimaad ee qoyskeeda.

Wargeyska Metro ayaa ku soo waramaya in haweenayda u heysatay inay wehel la’aan ku tahay dunida oo aysan laheyn waalid iyo walaal.

Sheekada haweenayda 81 jirka ah ee heshay hooyadeed oo 103 jir ah, kuna nool Dublin ayay si weyn wax uga qortay warbaahinta dalka ingiriiska.

Eileen ayaa lagu soo waramayaa inay soo korsadeen qoys aysan ka dhalan, waxaana lagu xaqiijiyay hooyadeed  baarista hiddo sidayaasha oo la sameeyay.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan