Home / Deegaan / Haweenay 81 jir ah oo keligeed ku nool jasiirad!

Haweenay 81 jir ah oo keligeed ku nool jasiirad!

Himilo FM –Kim Sin-yeol waa 81 jir ka soo jeeda koonfur Kuuriya, waxay keli ku tahay oo ay ku nooshahay jasiiradda Dokdo oo ay ku wada muransan yihiin dalalka koonfur Kuuriya iyo Jabaan.

Kim waa qofka keliya ee deggan jasiiradda oo mararka qaar marka uu jawiga xummaado ka go’da caalamka intiisa kale.

Waxay asal ahaan ka soo jeedaa jasiiradda Jeju oo dhacda Koonfur Kuuriya halkaasi oo ay kula nooleyd saygeeda muddo 30 sanano ku dhaw kahor inta uusan dhiman bishii October ee sannadkii hore.

“ Ku noolaanshaha Dokdo waa nasiino, markay halkaasi joogto, maskaxdeeda way dagan tahay” ayuu yiri Kim Kyung-chul oo ah wiil ay soddoh u tahay Kim.

Kontomeeyadii, Koonfur Kuuriya ayaa gacanta ku heysay jasiiradda hase ahaatee Jabaan ayaa tilmaameysaa in jasiiradda xoog looga heysto.

Jasiiradda yar waxaa ku yaalla keliya guriga Kim oo la dayac tiray sida mas’uul uu u sheegay warbaahinta CNN-ka. Telefishinka uma suura gelin inuu wareysto haweenayda.

“ Waan shaqeynaa, waana dagaalanaa, wax ka wanaagsan inaad halkan ku noolaato majiraan,” ayay tiri Kim oo goor sii horreysay u warantay Korea Times.

Dad badan ayaa mararka qaar taga jasiiradda hase ahaatee uma aha deegaan rasmi ah, waxaana safarkooda ku kooban yahay dalxiis.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan