Himilo FM –Way adag tahay in qofka uusan dhaqin timahiisa muddo toddobaad ah laakiin waxaa jirta haweenay Ingiriis ah oo aan timaheeda dhaqin islamarkaana jarin muddo 20 sanno ah.
Frank Colony oo 32 jir ah waa fanaan deggan Brighton oo dhacda koonfur bari Ingiriiska, dhirirka timaheeda oo aysan jirin muddo 20 sanno ah waa labo Mitir sida uu qoray bogga Oddity Central.
Waxa uu bogga xaqiijiyay inay haweenayda keliya shanleyso timaheeda si ay u ilaaliso, waxayna joojisay inay jarto iyadoo 6 jir ah.
Markay gaartay da’da 13 sanno oo ay timaha u dheeraadeen, waxay sheegtay inay dhibsatay isticmaalka Shaambada lagu dhaqo madaxa, sidaa darteed ayayna u joojisay dhaqida timaheeda.
Muddo ayay la qabsan weyday Colony isbadalka hase ahaatee waxay lagu soo waramayaa inay markii danbe ku guuleysatay.