Home / Arrimaha Bulshada / Haweenay adeegsatay xeelad cusub si ay uga fogaato saaxiibkeed!

Haweenay adeegsatay xeelad cusub si ay uga fogaato saaxiibkeed!

Himilo FM – Way adag tahay markasta inaad jarto xiriirka jaceyl ee aad qof la wadaagto hase ahaatee in qofka ka been sheego naftiisa si uu u gooyo xiriirkaasi waa tallaabo aysan sameyn karin dad badan balse haweenay u dhalatay Shiinaha ayaa cadeysay in wax kasta suurtagal yihiin.

Haweenayda oo ka soo jeeda magaalada Wuhan oo katirsan gobalka dhaca bartamaha Shiinaha ee Hubei ayaa si ay u jarto xiriirka kala dhaxeeyay nin waxay ka been sheegtay nafteeda iyadoo tilmaameysa in la afduubtay.

Booliiska ayaa xeray haweenayda 37 jirka ah markii la oggaaday inay ka been sheegtay nafteeda iyadoo xustay inuu afduubtay ninkeedii hore si ay uga fogaato xiriirka nin ay sheeko wadaag yihiin oo ay ku aragtay xaalad dhaqaale xummo oo liidata.

Magaca haweenayda oo lagu soo koobay Yu ayaa sheeko wadaag la ahayd Lin muddo gaaban hase ahaatee waxay oggaatay inuu yahay nin sabool ah markay booqatay gurigiisa billowgii sannadka cusub ee Shiinaha.

Ms Yu ayaa go’aansatay inay ka fogaato saaxiibkeed balse waxay ka baqday inuu kahor yimaado go’aankeeda, sidaa darteed waxay qaadatay inay ka been sheegto nafteeda si uusan mar danbe u arkin.

Waxyar kaddib markii haweenayda ka soo laabatay booqashada guriga saaxiibkeed ayaa laga waayay halka ay degganeyd oo ah Huangpi Jiahai. Daqiiqado kaddib ayay Ms Yu soo wacday saaxiibkeed iyadoo u sheegaysa inuu afduubtay ninkeedii hore.

” Ii imow oo i badbaadi, ninkeygii hore ayaa i afduubtay,” ayay tiri Ms Yu oo la hadleysa saaxiibkeeda Lin.

Booliiska ayaa la wargeliyay mar danbe, waxaana baaritaan la sameeyay suura gashay in la soo xero haweenayda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan