Home / Arrimaha Bulshada / Haweenay carqaladeysay aroos iyadoo sheeganaysa inay tahay xaaska arooska

Haweenay carqaladeysay aroos iyadoo sheeganaysa inay tahay xaaska arooska


Himilo FM – Dalka Kenya, aroos ka dhacayay Nakuru ayaa isu badalay fowdo kaddib markii haweenay 21 jir ah ay si xoog ah ku soo gashay xafladda iyadoo sheeganaysa inay tahay xaaska arooska.

Xafladda arooska waxaa loo dhigayay Deniis Kinyanjui iyo Agnes Wangari oo ah lamaane u dhashay Kenya, waxaase mar qura isbadalay jawiga goobta markii Agnes Wanjiru oo ay wehliyaan hooyadeed iyo asxaabteeda ay soo galeen xafladda arooska.

Haweenayda waxay sheegatay inay leedahay uur lix billood ah islamarkaana ay wada socdeen ninka arooska ah seddexdii sanno ee ugu danbeysay. Waxaa kale oo ay xustay in Kinyanjui uu u ballanqaaday inuu daryeel siinayo iyada iyo cunuggeeda aan dhalan.

Wararka waxay tilmaamayaan in haweenayda iyo kooxda la socotay in laga hor-istaagay inay galaan halka ay xafladda ka socotay laakiin waxay ka boodday ganjeelka si ay u joojiso arooska.

Xiisadda ayaa sii kacday laakiin waxaa lagu guulaystay in arooska si deg deg ah loo sameeyo iyadoo laga foggaanayo carqaladda haweenayda sheegatay inuu qabo ninka arooska ah islamarkaana ay leedahay uur lix billood ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan