Himilo FM –Haweenay u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa muddo 12 sanno ah raadinaysay faraanti kalumay oo ay mar danbe ka heshay meel aysan ka filaneyn.
Ebiegal Tombson oo ah 20 jir ku taqasustay isqurxinta ayaa weysay faraanti u ahaa xusuus reeb kaddib markii hooyadeed u hadiyeysay iyadoo 8 jir ah.
Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa ku soo waramaysa in faraantiga uu ka soo baxay sanka haweenayda markay hindhistay iyadoo oggaatay inuu yahay midkii kalumay 2007-dii.
Tombson ayaa u heysatay in laga xaday faraantiga laakiin ma aysan noqon sheekada siday filaysay. Waxay sheegtay inay u badan tahay in faraantiga uu ku hakaday gudaha sankeeda mar ay nadiifineysay.
“Marnaba kuma aan fekerin in faraantiga uu ku jiro sankeyga,” ayay tiri Tombson.
Navin Cavale oo ah khabiir qaliinka la isku qurxiyo ayaa sheegay inay arrintan tahay wax caadi ah islamarkaana dad badan sankooda ka helaan waxyaabo yaryar oo ka soo baxa.
Waxa uu xusay in sanka qofka da’da ah uu ballaaran yahay markasta, sidaa darteed, uu qashin badan qofka ku soo saari karo hindhisada.