Home / Arrimaha Bulshada / Haweenay furriin ka dalbanaysa ninkeeda oo ka jeclaaday hooyadii!

Haweenay furriin ka dalbanaysa ninkeeda oo ka jeclaaday hooyadii!

Himilo FM –Dalka Kuwait, haweenay ayaa furriin ka dalbatay saygeeda iyadoo dacwad ka geysay maxkamad sabab la xiriirta inuu ka doorbiddo kana jecel yahay hooyadii.

Xaaska oo aan la shaacin magaceeda ayaa sabab uga dhigtay go’aankeeda furriinka in saygeeda uu ka jecel yahay hooyadii, waxayna tani layaab ku noqotay garsoorayaasha iyo qareenada maxkamadda sida laga soo xigtay wargeyska dalka Kuwait ee Al-Qabas.

Maxkamadda ayaan wali go’aan ka gaarin dacwadda hase ahaatee waxaa dib loo dhigay fadhiga kale ee lagu dhageysanayo si fursad loo siiyo lamaanaha .

Qareenka u doodaya ninka eedeysanaha ah ayaa u sheegay wakiilkiisa “Haddii aan taagnaan lahaa booskaaga hal daqiiqo lama sii joogi laheyn haweenaydan.”

Ninka ayaa u sheegay qareenkiisa inuu daneynayo inay wada joogaan xaaskiisa oo u heysa carruur.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan