Himilo FM –Haweenay u dhalatay dalka Masar ayaa dacwad ka geysay saygeeda maxkamad magaalada Qaahira kaddib muddo 5 sanno ah oo ay wada joogeen. Waxay ka cabanaysaa barafuunka uu isticmaalo ninkeeda oo ay dhibsatay.
Gabadha 29 jirka ah ayaa sheegtay in ninkeeda uu caado ka dhigtay nuuc gaar ah oo kamid ah barafuunka kaasi oo ay dhibsatay islamarkaana ku keena xannuun darran.
Xaaska oo ay maxkamadda u oggolaatay furriin ayaa sheegtay inay dhowr jeer uga digtay ninkeeda isticmaalka barafuunka iyadoo ka dalbatay in uu joojiyo hase ahaatee waa uu ku adkeystay.
Waxay intaa raacisay inay isafgarad ka gaari waayeen muranka iyadoo isaga tagtay guriga xilli uu waalidka wiilka ka dalbaday in uu ka taqaluso isticmaalka barafuunka.
Iyadoo ka hadleysa go’aanka furriinka, waxay sheegtay inay keentay dacwadda maxkamadda markii ay ku guuldareysatay dhammaan tallaabooyinkii hore.
Sheekada furriinkan ayaa ka noqotay dalka Masar mid si weyn looga hadal hayo iyadoo lagu faaqidayo baraha bulshada.