Himilo FM –Haweenay ku jirta da’da soddomeeyada ayaa ugu deeqday mid kamid ah kelyaheeda qof aysan aqoon oo ay ka fariisteen kelyaha. Kayleigh Wakeling ayaa lagu soo waramayaa inay ku aragtay Facebook-ga dhigaal ama qoraal tilmaamay in Kelyaha Louise ay shaqeyn waayeen.
Ms Louise oo 30 jir ah kuna nool magaalada London ayaa in muddo ah ka sheeganaysay inay kelyaha ka fariisteen haddase waxay dareemaysa farxad iyadoo labada haween noqdeen saaxiibbo dhaw.
Iyadoo oo ka hadleysay xaaladeeda, haweenayda loogu deeqay kelida ee Louise ayaa u sheegtay wargeyska Daily Mail in laga helay xanuun dhinaca kelyaha iyadoo da’deedu tahay 8 jir, waxaana shaqada kelyaheeda noqotay 40%
“Dhaqaatiirta ayaa sidaasi u sheegay waalidiinteyda, shaqada kelyahayga waxay ahayd mid liidata,” ayay tiri Louise.
Waxay intaa raacisay “ Inkastoo aan dareemayay culeysyo, waxaan ahaa qof adag oo go’aan leh oo aan oggolaan in dadka ii arkaan qof ka duwan.”
Xaaladda haweenayda waxay sii xummaatay markii shaqada kelyaheeda hoos u dhacday oo ay gaartay 13%. Dad badan oo ku dhaw ayaa sameeyay dadaalo lagu caawinayo laakiin ma guuleysan.
Intaasi kaddib, Ms Louise waxay bog ka sameysay shabakadda Facebook-ga bishan Janaayo iyadoo akhristayaasha la wadaagtay sheekadeeda. Seddex maalin kaddib ayaa Wakeling waxay la xiriirtay Louise iyadoo ku wargelisay inay caawin doonto.